Dowladda Mareykanka oo Beenisay in Askari Loogu Dilay Gudaha Dalka Soomaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay beenisay in askari Maraykan ah uu ku dhintay duleedka magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose kadib iska horimaad dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya iyo Kuwa Maraykanka oo isla socday.

War lagu qoray Bage-ka Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa si cad loogu beeniyay war dhawaan kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo lagu sheegay in askari mareykan ah lagu dilay koonfurta dalka Soomaliya.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Zachary Allan Bannister ayaa dhintay 17-kii Bishii Oktoobar, waxaana warbaahinta Maraykanku sheegtay inuu ku dhintay saldhig ku yaalla dalka Kenya, AFRICOM ayaa sheegtay in askarigaasi uusan ku dhimanin dagaal.

Warar laga helayo warbahainta Maraykanka ayaa sheegaya in askarigaasi oo ka hawlgeli jiray saldhig ku yaalla Gobolka Xeebta ee LAMU ay u badan tahay inuu isagu naftiisa waxyeelay, Maraykanka ayaa la-taliyayaal dhinaca milatariga ah iyo tababarayaal ay ka joogaan Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaan ilaa haatan sheegin wax askari Maraykan ah oo ku dhintay Soomaaliya wixii ka dambeeyey 3-dii October sanandkii 1993-kii, markaasi oo 18 askari oo Maraykan ah ay ku dhinteen dagaalkii Marayanku la galay Jeneraal Maxamed faarax Ceydiid Caydiid.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here