Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 23 November, 2016 waxa uu shir aan caadi ahayn isugu yeeray golaha wasiirada Puntland, waxaana shirkaas oo ka dhacay xarunta madaxtooyada looga arrinsaday xaaladaha abaareed ee ka jirta Puntland iyo sidii qorshe deg deg ah looga yeelan lahaa gurmad loo fidiyo dadka ay abaartu saameeyeen.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdillaahi Cumar Camey ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha Puntland isagoo golaha uga warbixiyay xaaladaha abaareed ee ka jira Puntland.
Xubnaha golaha wasiirada Puntland ayaa dhankooda dood adag ka yeeshay sidii loo heli lahaa qorshayaal loogu gurmanayo dadka iyo xoolaha nool ee ay abaaruhu dhibaatada u geysteen.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in ay fidinayso gurmad deg deg ah maadaama ay abaartu daba dheeraatay loona baahan yahay in si dhakhso ah loogu gurmadu dadka ay abaaruhu sameeyeen,
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu magcaabay guddiyo kala duwan oo ka shaqayn doona qorshayaasha ay u dejisay in loogu gurmado dadka ay abaartu saamaysay, guddiyadaas oo si deg deg ah ugu howl gali doona gurmadka abaaraha.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland ayaa caddeeyey in waqtigan la joogo aysan daawan karin dhibaatada ay abaartu ku hayso dadka iyo duunyada balse Puntland iyo shacabkeedu ay isku tashanayaan si deg deg ahna ay ugu gurman doonaan dadka ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
–DHAMMAAD–













