Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa goordhaweyd ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada maamulkaas.
Guddiga doorashooyinka maamulka Puntland ayaa shaaciyay in maanta la dooran doono 3-xubin oo kamid noqonaya xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deegaanada maamulkaas.
Doorashada ayaa ka dhacaysa labo goobood oo kala ah Jaamacadaha PSU iyo Bariga Afrika, waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Puntland Khaliif Aw-cali oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in sababo dhaqaalo oo soo wajahday guddiga ay la socon waayeen doorashooyinka xubnaha aqalka hoose welina la xalin.

