Raisulwasaaraha Soomaliya oo Kula Kulmay Magaalada Muqdsiho Stephen Schwartz+Sawirro

0

Raisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake oo ay wehliyaan wasiirka gashandhigga Cabdulqaadir Sh, Cali diini iyo Abaan dhuullah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kulan ugu horeeyey waxa uu la qaatay safiirka dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.

kulanka ayaa Ra’iisul wasaraha iyo safiirka maraykanka ee Somaaliya kaga hadleen hufnanta iyo ilaalintasinanta doorashooyinka dalka ka socda amniga Guud ee dalka iyo sii adkaynta xariirka labada dal.

Safiirka maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz ayaa sheegay in dowladda Maraykanka ay ka go’antahay in dowladda Soomaaliya gacan ka siiso hirgalinta doorashooyinka iyo adkaynta xariirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

Raisul wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa dowladda maraykanka uga mahadceliyey tageeradda ay Soomaaliya la garab tagan tahay Soomaaliyana ay Cagta saartay wadadii Guusha iyo Horumarka .

Dhinaca kale Raisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay safiir ku xigeenka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ahna siiyaha Safiirka, waxa ayna kaga wada hadleen kulanka arrimaha doorashooyinka dalka sidii ay gacan kaga gaysan lahayd dowladda ingiriisu ammaanka guud ee dalka iyo xariirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

cumar-2-1 cumar-2 cumar4 cumar6 cumar-7 cumar8 cumar-9 cumar11 cumar13

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here