Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in Nin reer mii ahaa oo xoolihiisu ay ku le’edeen abaarta ka jirta Gobolada dalka Soomaliya uu isku dilay deegaanka Baxdo ee Gobolkaas.
Ala Ha u Naxariistee Cumar Xasan ayaa la sheegay in uu mudooyinkii dambe lagu hayay Isbitaal ku yaala deegaankaas islamarkaana uu la niyad jabsanaa sida xoolihii ay ugu la’deen abaarta ka jirta Gobolada dalka Soomaliya gaar ahaan Gobolka Galgaduud.
“Daraad ayaa isbitaal la geeyay oo ku yaala deegaanka Baxdo ee Gobolkaas, daawooyin ayaa la siiyay kistoo waa uu soo caafimaadayay, xalay isagoo fiican ayaa ka tagnay saakay aroortii ayaa nagula soo wargaliyay In uu is marjiyay sidaas ayuu u dhintay,runtii sababaha ugu weyn uu isku dilay ayaa ahaa in xoolihii ay ku le’edeen abaarta ka jirta gobolada dalka, ma aysan jirin waxyaalo kale oo xiligan ku kalifayay in uu isdilo”, ayuu yiri mid kamid ah Ehelada.
Dhanka kale deegaanka coodanle ee ka tirsan Gobolka Buuhoodle waxa la soo sheegayaa in uu hal qof u dhintay Haraad.
Qofka dhintay ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa nin baadi doon ah islamarkaana raacdo ugu jiray geel uu lahaa oo ka lumay.
Qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxaa haatan ka jira abaaro sameeyay dadka iyo duunyada.

