AMISOM oo Sheegtay in Loo Bahanyahay Ciidamo Dheerad ah Suga Amaanka Doorashada

0

Hawlgalka Midawga Africa ee AMISOM ee Somalia jooga ayaa waxaa ay sheegeen in looga baahanyahay dalalka Afrikaan 4000 oo ciidamo dheerad ah oo suga amaanka goobaha doorashooyinka soomaliya.

AMISOM ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay u baahanyihiin ugu yaraan 4,000 oo ciidamo ka socda wadamada Afrikanka ah si ay u awoodaan in ay Al shabaab ka qabsadaan degaanada gacantooda ku harsan.

SomaliYa ayaa hadda waxaa ay ku jirtaa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada dadban ee kasocda Somalia,waxaana labadii bilood ee ugu dambaysay qabaali ilada Somaliyeed ay ku mashquulsanaayeen sidii ay wakiilada u matalaya doorashada dawlada soo socota usoo xulan lahaayeen

AMISOM ayaa waxaa ay sheegtay in Al shabaab ay weli isku deyayaan in ay caqab ku noqdaan Doorashada Somalia  kasocota islamarkaana ay bartilmaameedsanadaan dadka muhiimka ah ee doorashada ku lugta leh.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here