Madaxweynayaasha Jamhruuiyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta daah furey Shirka loogu magac-daray Talo Qaran oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya.
Shirkaan oo loogu hadlaayo lix Qodob oo kala ah Amniga Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa sida la shaaciyay talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu yimid.
Shirkaan oo uu soo agaasimay Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha Soomaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno Soomaliyeed, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuu, ayaa uga mahadceliyey Madasha Talo-Qaran dhallinyaradii soo agaasintay, waxa uuna ka hadlay muhiimadda ay u leedahay wadatashiga iyo talo uruurinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso Hay’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbaddiisa sii wata, ayaa soo hadal qaadey doorashooyinka ka socda dowlad Goboleedka dalka jira oo uu ku tilmaamay horumar iyo Dimoqoraadiyad ay Soomaaliya, gaartay, hasayeeshee waxa uu sheegay in waajib dheeri ah uu ka saaran yahay Doorashooyinka Dowlad gobolleedyada iyo Guddiyada ku howlan arrimahaas.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya ayaa tilmaammo ka bixiyey Soomaaliya sababo ay burburka uga baxday kuwaasoo ah saddex arrimood. Sida dagaalladii sokeeye, dowladihii KMG-ka ahaa iyo dhibaatooyinkii Qabiilka oo aad u sii yaraadey.

