Warar lagu kalsoonan karo oo laga helayo Xarunta Madaxtooyada Soomaliya ayaa ku waramaya in halkaas uu haatan ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud, xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda Soomaliya.
Kulankaan oo uu shir gudoominaayo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loogu hadlayaa sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo dhacaysa 30-ka bishaan November oo maalmo kooban ka harsan.
Dalabka kulankaan ayaa la sheegay in uu ka yimid Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ku andacoonaya in waqtiga haray xiligaan uu yahay mid aad u gawaabsi ah, islamarkaana aysan wali soo dhameystirmin xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka dalka ka jira.
Kulanka oo haatan socda ayaa la tilmaamayaa in madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh maxamuud madaxda ka qeyb galaysa uu hordhigay in waqti lagu doro doorashada madaxweynaha oo dhan ilaa hal bil madaama aysan soo dhameystirmin doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Somaliya.
Dhanka kale Afhayeenka Guddiga doorashooyinka dadban Xasan keynaan oo ay la xiriirtay idaacadda simba ayaan ka jawaabin wicitaanka, balse warar soo baxaya ayaa ku waramaya in guddiga ay macquul tahay in ay aqlaan codsiga madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Tani hadey dhacdo waxaa sii kordhaya walaaca Beesha caalamka, iyo siyaasiyiinta Soomaliyeed ay ka qabeen sida ay ku dhici karto doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

