Saraakiil u hadashay booliska dalka Kenya ayaa sheegay in xuduuda ay u dhaxaysa Somalia iyo Kenya ay ku dhileen 4 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al shabaab.
Xiriiriyaha Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya Mohamud Saleh ayaa sheegay in maanta oo Axad ah boolisku ay dileen 4 nin oo lagu tuhunsan yahay al shabaab. .
Saleh ayaa tilmaamay in ragaan ay ka mid ahaayeen koox lagu eedeeyay in ay qorshaynayeen weerar lagu qaado saldhig ciidamada boolisku ay leeyihiin,waxaa uu intaas ku daray in laga qaatay 4 qori oo ay wateen iyo jaakadaha ay isticmaalaan ciidamada Somalia.
Xarakada Al shabaab ayaa xoojisay mudooyinkii ugu dambeeyay weerarada ay ka geystaan Gobolka Waqooyi bari iyo deegaano kala oo katirsan dalka Kenya.
Waxaana ay dalbanayaan in ciidamada Kenyatiga ah ee Somalia jooga laga saaro, kuwaas oo ka mid ah ciimada Amisom ee Somalia ka hawlgala islamarkaana Somalia soo galay 201-kii si ay ula dagaalamaan Xarakada Al shabaab.

