Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Somaliya iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Jowhar

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliya Danjire Michael Keating, ayna qeyb ka yihiin Taliyayaasha AMISOM,  Nabad Sugida, Booliska Soomaliyeed iyo Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban, ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hir-shabeelle.

Ujeedka wafdigaan ayaa lagu sheegay xalinta muranka dhawaan ka dhashay doorashadii Kursiga Aqalka Hoose baarlamaanka Federaalka Soomaliya  ee Beesha Jidle ee Gugundhabe oo dhawaan ay ku tartameen Wasiirka dhalinayarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Mas’uul kale.

Wafdigaan ayaa la kulmi doona Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka maamulka Hir-shabeelle iyagoo kala hadlaya qaabka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo qilaafka dhawaan ka dhashay doorashada kursigaas oo sababtay in israsaaseen ay ka dhacdo Magaalada Jowhar ee caasimada Maamulkaas.

1-1 2-1 3-1 4-1

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here