Gudoomiyaha Ururka Saxaafadda Dalka Masar Yehia Kalash oo Xukun Maxkamadeed Lagu Riday

0

Maxkamadda Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa xukuno ku riday Gudoomiyaha Ururka Saxaafada dalka Masar Yehia Kalash iyo laba kale oo ka tirsan guddiga kadib markii lagu eedeeyay inay qarinayeen dad danbiilayaal ah.

Mas’uuliyiintaan ayaa lagu xukumay 2-sano oo xarig ah

Maxkamadda Magaalada Qaahira ayaa dul dhigtay  sidoo kale  dammaanad 10,000 poundka Masaarida ($ 615) ee mid kasta oo iyaga ka mid ah oo ay ku jiraan xoghayaha guud ee ururka shaqaalaha mudane Gamal Abdelrahim iyo madaxa guddiga xorriyaadka Khalid Elbalshy.

Saddexdaan Mas’uul  ayaa waxa ku socotay maxkamad tan iyo June ka dib markii booliska weerareen xarunta ururka bishii May 2, halka oo ay kasoo qabteen saxafiyiinta Mahmoud Sakka iyo Amr Badr oo lagu eedeeyay in ay daabaceen warar been ah islamarkaana ay kiciyeen dibad baxyada.

Dhanka kale ururada u dhaqdhaqaaqa Xaquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay taalabada Maxkamadda magaalada Qaahira ay xukunada ugu Riday Madaxdaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here