QM oo Maamul Goboleedyada Ugu Baaqday inay Dar dar Geliyaan Doorashada Aqalka Hoose

0

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Somaliya Danjire Michael Keating  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya  ayaa ugu baaqay maamul Goboleedyada dalka ka jira inay dar dar geliyaan doorashada Aqalka Hoose, isagoo soo dhoweeyay habsami u socodka ay u socdaan howlaha doorashooyinka.

Danjire Michael Keating  ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay dowladda  Federaalka Soomaliya islamarkaana ay ku rajo weyn tahay in si guul ah ay kusoo dhamaadaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay inay fududeyso doorashada Aqalka Hoose, illaa iyo hada 26 kursi ayaa lagu doortay Baydhabo, waxaa dhiman kuwo kale, waxaa Mas’uuliyiinta u sheegtay inay dar dar geliyaan, si howlaha doorashooyinka loo dhameystiro”ayuu yiri Micheal Keating.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here