Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Kuwada Kulmaya Magaalada Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land waxaa maanta kuwada kulmaya Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guulleed iyagoo kawada hadlaya dhameystirka wada-hadalada Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug.

Kulanka oo ka dhacaya Magaalada kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubb-land  waxaa ka qeyb galaya Madaxwenayaasha Puntland  yo Galmudug, Hogaamiyaha martida loo yahay ee Jubba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug Gaas iyo guuleed ayaa dhawaan Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug kuwada gaaray heshiis dhigaya in xabad joojin laga dhaqan galiyo Magaaladaas oo mudooyinkii dambe lagu dagaalamayay, islamarkaana lakala durjiyo Ciidamada labada Maamul.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here