Ciidamada Midowga Afrika Amisom ee ku sugan Soomaliya iyo kuwa dowladda Soomaliya oo iskaashanaya ayaa jimcihii dilay 6-askari oo ka tirsanaa Xarakada Al-shaabaab kadib howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Bula-Gaduud oo 35-KM dhanka woqooyi bari ka xiga Magaalada Kismaayo ee Caasimada Maamulka Jubba-land.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Joe Kibet oo qadka taleefanka kula hadlay Wakaalada wararka Xinhua ayaa sheegay in Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda weerar qorshaysan ay ku qaadeen deegaanka Buulo-gaduud ayna dileen 6-askari oo ka tirsnaa Xarakada shabaab, Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in deegaanka ay haatan gacanta ku hayaan Ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda Soomaliya.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab ay kaga hadlayaan sheegashada Amisom ee ah in la dilay 6-askari oo ka tirsanaa Ciidankooda kadib howlgal ka dhacay deegaanka Bula-Gaduud ee Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa kordhiyay mudooyinkii dambe weerarada ay ku qaadayeen Saldhigyada Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

