Sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan maamulka Soomaaliland waxaa gurmad ka yimid hay’adda Boqor Salmaan ee laga leeyahay sacuudiga hoosna tagga Boqorka dalkaasi waxa ay gaareen magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland.
Mas’uuliyiintaani ayaa la kulmay wasiirada arimaha gudaha iyo kan caafimaadka Soomaaliland iyagoona kala hadlid qaxootiga Yemeniyiinta iyo Soomaalida dib ugu soo laabatay dalkooda Hooyo ku wareejiyey deeq ay sheegeen in ay ugu tala galeen in dadkaasi la siiyo.
Dadka kasoo degay Magaalada Dekeda leh ee Ber-bera ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayaan 32-kun oo isugu jiro Soomaali iyo Yemeniyiin kuwaa oo kasoo cararay colaadaha Yemen haba ugu badnaadaaneen kuwa ka yimid Koofurta Dalkaasi oo ay ku badan yihiin dagaalada.
Madaxa Horumarinta Hay’adda Boqor Salmaan oo wafdiga hogaaminaye ayaa mas’uuliyiinta Soomaaliland ugu mahad celiyey qaabka wanaagsan oo ay ula dhaqmeen dadkaani.
Ugu dambeyn haweeney kamid ah dadka kasoo cararay colaadaha ka jira dalka Yemen oo la hadashay TV-ga afka Carabiga ku baxa ee AlJazeera ayaa waxa ay u sheegtay in hada isbadalo nololeed ay kusoo korortay maadaama ay kunool Yihiin Magaalo Xeebeed.
“Duruufaha dagaalada Yemen waxa ay nagu sababeen in aynu ka barakacno, Hada Xaaladeynu alla mahadi waan ladanahay inkastoo xaaladaha nololeed ay jiraan maadaama Caruurteeda aysan heysan waxbarashadii ay Yemen ku heysteen” sidaana waxaa sheegtay mid kamid ah Haweenka Soomaalida ah ee ku sugan Bar-bara.
Xaaladda Dalka Yemen ayaanan degeneen iyadoona shalay ay ka dhaceen dagaalo qasaare dhimasho iyo Dhaawacba geystay oo u dhaxeeyey Ciidamada dowladda Yemen iyo kooxaha Xuutiyiinta ah.
Dagaalada ayaa badi ka dhaca Xaafadaha ay ku badan yihiin Dadka Soomaalida kuwaa oo badi gaaray dalkaasi sanadkii 1991-kii kolkaasi oo ay bur-burtay Dowladii dhexe maadaama xiligaasi wadanka uu galay foodo, kala dambeyn la’aan iyo dagaalo sokeeye.

