Odayaasha dhaqan ee ka soo jeedo degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleystay in ay ciidamo kala dhex dhigaan maleeshiyaad ku dagaalamay maalinki shaley aha gudaha Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.
Beelo ka baxsan kuwa dagaalamaya ayaa iska soo aruuriyay dhalin yaro la huwiyay hubka fudud waxana dhalinyaradaasi hubeysan saakay la kala dhex dhigay ciidan beeleedki shaley ku dagaalamay Caabudwaaq.
Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Caabudwaaq Muuse inji oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in waxgaradka Degmada ay dadaal badan ku bixiyeen sida loo hakin lahaa dagaal markale kaga qaxo degmada caabudwaaq.
Muuse inji ayaa xusay in ciidamo ku filin xaqiijinta amaanka ku dhawaaw 1-km in la kala dhex dhigay maleeshiyaadki shaley ku dagaalamay Degmada.
Odayaasha degmada ayaa dhinaca kale waxa ay wadaan qorshe banaanka degmada lagu geynayo ciidamada colaada dagaal ka dhaxeyso.
Caabudwaaq waxa ay ka mid tahay meelaha ay sida weyn mudooyinki la soo dhaafay kaga dhacayeen dilalka ku saleysan aanooyinka Qabiil.

