C/qaadir Gaafoow oo Kamid Noqday Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya (Sawiro)

0

Radio Simba:- C/qaadir Gaafoow Maxamuud oo ay walaalo yihiin Taliyaha Nabad sugida soomaaliya C/laahi Gaafoow ayaa maanta kamid noqday Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya kadib Doorasho ka dhacday magaalada cadaado  Cadaado.

C/qaadir Gaafoow Maxamuud waxaa la tartamay saakay  Maxamed Maxamuud Guure, Sakariye Maxamed Cosoble iyo Cabduqaadir Nuur Caraale balse ugu danebynti waa ay ka tanaasuleyn dhamaantooda.

C/qaadir Gaafoow Maxamuud ayaa  ku soo baxay codod garaya 48-cod isagoona si rasmi ah kaga mid noqday xildhibaanada cusub ee baarlamaanka soomaaliya.

C/qaadir  Gaafoow Maxamuud ayaa la dhashay Taliyaha Ha’yada Nabad sugida Soomaaliya C/laahi Gaafoow Maxamuud waxana Ganeral Gaafoow mudooyinki la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Cadaado.

Waxaa mudooyinki la soo dhaafay khilaaf xoogan uu u dhaxeeyaya Maxamed Maxamuud Guure oo ah wasiirka Howlaha guud ee maamulka Galmudug iyo C/qaadir Gaafoow Maxamuud kaas oo ugu dnabeynti keenay in ciidamo ka tirsan Nabad sugida soomaaliya ay mudo saacad ku dhow uu xirnaa wasiirka Howlaha guud ee galmudug.

2

3

4

5

6

8

7

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here