Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dib loo dhigay Waqtigii la shaacisay in la xiri doono Xeryaha Qaxootiga Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya oo horaan loo shaaciyay in November 30-keeda la xiro.
Joseph Nkaissery Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Arbacadaan maanta ah u sheegay saxaafada magaalada Nairobi ee dalka Kenya, in Kenya ay dib u dhigayaan xiritaanka qaxootiga ka dib codsi ka yimid Hay’adda Qaramada Midoobay ee dhanka Qaxootiga.
“Dawladda Kenya ayaa aqbashay codsiga in la kordhiyo waqtiga kama dambaynta ah ee dhamaystirka dib u celinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xiritaanka Xeerada Qaxootiga Dhadhaab mudo lix bilood ah ,” ayuu yiri Mr Nkaissery.
Dowlada Kenya ayaa wali ku adkeysanaysa in la xiro Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya kadib markii ay sheegtay in ay tahay goob laga soo abaabulo weerarada ka dhaca Magaalooyinka Kenya.

