Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in askar ka tirsan Ciidamada amaanka dowlad Goboleedka Galmudug uu dilay mid kamid ahaa Ergooyinkii soo dooranayay Xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada maamulkaas.
Mas’uulka la dilay oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Caraalle Dilib ayaa la sheegay in uu gudaha u gali rabay xarunta ay ka dhacayso doorashada xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada Maamulka Galmudug, balse waxaa is hor istaag ku sameeyay sida la sheegay askari kamid ahaa ciidamada Galmudug oo halka laga galo xarunta ilaalo ka ahaa.
Muran soo kala dhexgalay labada shaqsi ayaa la shaagay in uu keenay in askariga uu xabad ku dhufto mas’uulka kamid ahaa Ergooyinkii soo dooranayay xubnaha Aqalka hoose ee ka imaanaya deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug islamarkiiba goobta ayuu ku dhintay Mas’uulka la dilay.
ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Galmudug.

