Puntland oo ku Hanjabtay in Daacish Laga Saari Doono Degmada Qandala ee Gobolka Bari+Dhageyso

0

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka  Puntland Eng. Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey)  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay in Ciidamada Difaaca Puntland ay diyaar u yihiin in Daacish ay ka saaraan degmada Qandala ee gobolka Bari, halkaasi oo dhawaan ay gudaha u galeen.

Eng. Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey   Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii xorayn lahaa degmada Qandala ee Gobolka Bari, isagoo tilmaamay inay haatan haystaan amar ku aadan inay bilabaabaan howlgalka lagu weerarao daacish-ta Soomaliya ee ku sugan degmadaas.

“Waan la soconaa xog badan ayaan ka haynaa in Daacish ay ku sugan yihiin degmada Qandala ee Gobolka Bari, anigoo ah madaxweyne ku-xigeenka Puntland xog badan ayaa ka hayaa oo waan ognahay Ciidamo hubeysan ayaa halkaas ku sugan oo daacish ah, marka laga hadlaayo Puntland iyadoo haysato Ciidamo tayo wanaagsan xoogan badan  hadana waxaa loo baahan yahay in la diyaariyo Ciidamada  si ay ula wareegaan  degmadaas, waxan idin balan qaadayaa in gudoomiyaha degmadaas uu halkaas idinkala soo hadli doono”, ayuu yiri  Madaxweyne ku xigeenka Maamulka  Puntland Camey.

Dagaalyhano ka Tirsan Kooxda Daacish-ta Soomaliya ayaa dhawaan la wareegay degmada Qandala ee Gobolka Bari waxaa jirey diyaarado dagaal iyo maraakiib shisheeye oo duqeeyay degmadaas maalmihii aynu soo dhaafnay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here