War Deg Deg:-Qarax Miino oo ka Dhacay Maqaayad Ku Taala Magaalada Kismaayo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-land  ayaa ku waramaya in qarax miino uu ka dhacay maqaayad ku taala gudaha Magaaladaas.

Warar soo baxaya oo laga helayo Magaaladaas ayaa ku waramaya in qaraxa lagu aasay gudaha maqaayada islamarkaaana la qarxiyay mar qur ah xili ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan oo xiligaas wax ku cunteenayay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxaasi uu waxyeelo u geystay dhismihii Maqaayaddaasi ku taalay Magaalada Kismaayo, ayna ku dhaawacmeen 3 ruux oo shacab ahaa , waxaana goobta si deg deg ah u gaaray Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Jubba-land, iyagoo isla markiiba bilaabay baaritaano iyo u gurmashada  dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Wixii kusoo kordha Kala Soco Simbanews.com

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here