Madaxda Galmudug oo Lagu Eedeeyay in ay Hor taagan Yihiin Howlaha Golaha Wasiirada+Dhageyso

0

Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafta  ee dowlad Goboleedka Galmudug oo iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaas  ayaa madaxda maamulkaas ku eedeeyey in ay hor taagan yihiin howlaha Golaha Wasiirada Galmudug.

Cawil C/laahi Jaamac Kheydar oo ahaa Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda  Diinta iyo Awqaafta  ee dowlad Goboleedka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta  ayaa ku eedeeyay madaxda Galmudug uu ugu horeeyo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed in ay faraglin goracan ay ku hayaan howlaha Golaha Wasiirada Galmudug taasina ay keentay in ay iscasilaan qaar kamid ah Wasiiiradda.

“Waxaa jira sababo kalifaya in aan isaga tago xilka ay ugu horeyso in la waayay shaqadii nagala sugaayay hadaan nahay xukuumadda uu ugu sareeyo Madaxweynaha Galmudug, iyadoo la maraayo 1-sano iyo xoogaa  islamarkaana aysan jirin wax la qabtay, iyadoo aysan jirin wax dhaqaaqay waxaa fulmi waayay balanqaadkii ahaa in wax laga qabto arrimaha dib u heshiisiinta, madaxda Galmudug ayaa u sabab ah in wax la qaban waayo”, ayuu yiri Cawil C/laahi Jaamac Kheydar.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here