C/wali Gaas:-” Waxaan Ku Raja Weynahay in aan Xal u Helno Dhibaatada Magaalada Gaalkcayo”+Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15  Nov, 2016  la kulmay guddigii khilaafaadka Puntland ay u wakiilatay kulamada ku salaysan nabadaynta magaalada Gaalkacayo, waxaana kulankaasi ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating.

Kulankan maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacayo ayaa Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan golayaasha Puntland, saraakiisha ciidamada, qaybaha kala duwan ee bulshada iyo masuuliyiin kamid ah madaxtooyada  Puntland,  xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka iyo colaadda Gaalkacayo ee Puntland ayaa loo xilsaaray inay bulshada Gaalkacayo wada tashiyo kala yeeshaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda magaalada Gaalkacayo isla markaana loo xaqiijin lahaa arrimaha sababay inay soo noq-noqdaan khilaafaadka dhex yaalla bulshada magaalada Gaalkacayo.

Xubnaha guddiga iyo odayaasha kala duwan ee gobolka mudug waxay si wada jir ah ugu soo bandhigeen warbixino iyo macluumaad dheeraad ah oo ku salaysan taariikhda soo jireenka ah ee magaalada Gaalkacayo iyo qaabkii ay u wada degenaayeen bulshada ku dhaqan magaalada.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo madasha ka hadlay ayaa xubnaha guddiga iyo odayaasha magaalada Gaalkacayo ku adkeeyey in dedaal dheer lagu bixiyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda magaalada Gaalkacayo.

” Waxaan ku raja weynahay in aan xal u helno dhibaatada magaalada Gaalkcayo, guddi ahaan iyo bulshada Gaalkacayo waxaa la idinka rabaa sidii hore aad u raadin jirteen nabadgelyada inaad uga sii shaqaysaan raadinteeda iyo in magaalada Gaalkacayo ay dhibaatada ka baxdo walaalnimo iyo deris wanaagna loogu wada noolaado” ayuu yiri Madaxweynaha  Puntland.

Dinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa guddiga ku amaanay sida wanaagsan ee ay ugu heellan yihiin in xal laga gaaro dagaalada iyo colaadda magaalada Gaalkacayo ka jirta, wuxuuna tilmaamay in ay howshu si wanaagsan u socoto isla markaana ay rajo weyn ka qabaan sidii loo xasilin lahaa nabadgelyada magaalada Gaalkacayo.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Michael Keating oo kulanka ka qayb galay isla markaana si buuxda u dhagaystay warbixinada iyo macluumaadka ay xubnaha guddigu kulanka kasoo jeediyeen, wuxuuna sheegay in beesha calaamku aysan waxba qaban karin haddii aanay garab ka helin odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan si loo soo afjaro colaadda magaalada Gaalkacayo.

Ugu danbayn,  Madaxweynaha Puntland Dr  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan muddo todobaad ah magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa wuxuu kulamo iyo wada tashiyo ku saabsan nabadda iyo sugidda amniga la leeyahay laamaha iyo bulshada magaalada Gaalkacayo.

img_9741img_9696 img_9706 img_9720 img_9762 img_9838 img_9839 img_9844 img_9867 img_9870 img_9877

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here