Cristiano Ronaldo : Sir Alex Ferguson waa Macalinkii Ugu wanaagsanaa aan ka hoos ciyaaro

0

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa dhawaajiyay macalinkii Ugu wanaagsanaa uu ka hoos ciyaaro intuu kubada cagta ku dhaxjiray

Laacibkii Hore ee kooxda Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa ku Tilmaamay macalinkii Hore ee kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson mid ugu wanaagsan uu ka Hoos ciyaaro intuu ku sugnaa Garoonka Old Traford.

Xidigaan heerka caalami ee xulka dalka Portugal ayaa sidoo kale wuxuu kasoo Hoos ciyaaray macalimiinta kala ah Jose Mourinho iyo Carlo Ancelotti waayihii kooxda Real Madrid.

Ronaldo ayaa kusoo biiray kooxda Manchester United xili ciyaareedkii 2003 kadib markii kooxda Manchester United ay bixisay aduun dhan £12.2 million intuu ku sugnaa kooxda Manchester United waxa uu kula Guuleystay 3- Premier League iyo 1-Champions League lix xili ciyaareed oo ku sugnaa kooxda Manchester United

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here