Abubakar Shekau :-“Dagaalka u dhaxeeya reer galbeedka iyo Islaamiyiinta Haduu Bilow Yahay”,

0

Hogaamiyaha kooxda Boka Haram ee dalka Negeria Abubakar Shekau oo ka hadlay doorashada dalka Mareykaka ka dhacay islamarkaana uu ku guuleystay  Donald Trump ayaa ku hanjanay in dagaalka u dhaxeeya reer galbeedka iyo Islaamiyiinta in uu yahay bilow xiligaan.

Farriin maqal ah oo la dhigay habeenkii Axada bogga kooxda ee YouTube, Shekau ayaa ku sheegay in aan lagu siri karin dadka sida Donald Trump ama qof ka tirsan isbahaysiga oo la dagaalamaya walaalaha jooga Ciraaq, Syria, Afghanistan ama meel kale ee dunida.

“Waxaan kaso gudubnay Obama, haatan waxaan la bilaabeenaa Trump … Waxaan rumaysanahay imaankeenna, mana joojin doono. Anaga ahaan, dagaalka waxaa kaliya uu bilaabmay hada, “ayuu ku yiri luuqada Hausa.

Madaxweynaha Cusub ee dalka Mr Donald Trump ayaa dhowr jeer oo hore ku hanjabay in aduunyada la tirtiro doono markuu xilka ku guuleysto waxa loogu yeero argagaxiso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here