Dilkaan ayaa dhacay abaaro Shantii galabnimo iyo dhowr daqiiqo waxa uuna ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Waxa uu dilkaani si gaar ah kaga dhacay qeybta bagaashka lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha sida ay Simba u sheegeen dadka xiligaasi ku sugnaa goobta dilka askariga ciidamada dowlada katirsan ee lagu dilay suuqa bakaaraha.
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa mudo kadib gaaray goobta lagu dilay askarigaan katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyagoona goobta ka sameeyey howgalo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyey dilka.
Ilaa iyo haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda dilka askarigaani, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xili suuqa Bakaaraha dhawaanahaani ay ka dhacayeen howlgalo ciidamada dowladda ay sameynayaan, dhac loo geysanayo goobaha ganacsi ee qaar.

