Wafdi uu Hogaaminaayo Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Michael keating ayaa goordhaweyd gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Denjire Michael keating ayaa ka dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo dhanka Maamulka puntland kulamo ayuu haatan Magaaladaas kula qaadanayaan madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali (Gaas) arrimaha ugu badan ee kulanka loogu hadlaayo ayaa u badan xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Sidoo kale Denjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaliya Denjire Michael keating ayaa saaacadaha soo socda gaari doona koonfur magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Galmudug oo shalay uu Gaaray madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed.
Labada Madaxweyne ee Gaas iyo Guulleed ayaa shalay lagu waday in ay ku kulmaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta balse waxaa la xaqiijiyay in uu dib u dhacay kulankooda.
Qaramada Midoobay ayaa garwadeen ka ah xalinta colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug.

