Rag saarnaa gaari nuuca raaxada islamarkaana hubeysnaa ayaa maanta waxa ay magaalada muqdisho ku dleen Nabadoon lagu magacaabi jirey Cadbulaahi Axmed Rooble.
Nabadoonka ayaa la dilay xili uu ku sugnaa Isgooyska Zoobe ee magaalada muqdisho.
Kooxda dilka geysatay ayaa watay hubka fudud iyadoona ay risaas xoogan ay huwiyeen nabadoonka xili uu taagna meel aan ka fogeyn Isgooyska Zoobe ee degmada Hodo nee gobolka Banaadir.
Nabadoon Cadbulaahi Axmed Rooble ayaa kamid aha waxgaradka soomaaliyeed iyadoona aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka danbeysay dilkiisa.
Raga falka dila fuliyay ayaa isaga baxsaday goobta dilka ay ka geysteen iyadoona aysan jirin cid ilaa haatan soo qabatay.
Magaalada muqdisho ayaa mudooyinki la soo dhaafayay waxaa ku soo badanayay falalka amaanka lidka ku ah iyadoona qaraxyo iyo dilal qorsheysan ay magaalada ka dhacayeen.

