Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Maamulada Puntland iyo Galmudug Maanta ay si wada jir ah ugu toogteen Magaalada Gaalkacyo Maxaabiis la sheegay in labada dhinac ay ku kala qabsadeen dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Axaddi shalay ahayd.
Meydadka Maxaabiista la toogtay oo gaareysa 3-ruux ayaa la sheegay in qolo walba ay dhigeen Xaafadda Garsoor oo ku taalla halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.
Nabdoon Cali Diiriye Alloore oo ka mid ah waxgaradk ku nool Magaalad Gaalkacyo oo la hadlay Xafiiska Warqabadka Radio Simba ee Muqdisho ayaa xaqiijiyey jiritaanka Warka ku saabsan Maxaabiista labada dhinac ay ku dileen maant Magaalad Meydadkoodan lakala wareejistay.
Dhinaca Kale Nabadoon Alloore oo sii hadlaya ayaa sheegay in Maanta xiisaddu ay taagantahay islamarkaana aysan jirin wax waan-waan ah oo ay wadaan Masuuliyiinta labada dhinac iyo odayaasha Magaaladu isagoona wax lala yaaba ku tilmaamay inhogaamiyayaasha Puntland iyo Galmudug ay jiraahdaan nabad baa laga gaaray Xiisadda Gaalkcyo walina dagaalku uu siii socdo,waxaana Nabadoon Cali Diiriye uu sheegay in xalay illaa Maanta Magaalada ay ka barakacayaan dad uu sheegay in Magaalada ay kusoo noqdeen markii heshiiskii fashilmay uu ka dhacay waddanka isku tagga Imaaradka Carabta.
Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka tgan dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Galmudug, dagaalkii ugu dambeeyay ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

