Guddiga Doorashooyinka oo Ka Hadlay Bilaabashada Doorashada Aqalka Hoose iyo Tabashooyinka Somali-land+Dhageyso

0

Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban oo maanta shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa ka hadlay qaabka loosoo dhameystiray xubnaha aqalka sare iyo bilaabashada doorashada xubnaha aqalka Hoose.

Afhayeenka Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban Mudane Maxamed  Kenyaan oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddiga uu amaan u jeedinaayo maamulka Hir-shabeelle oo soo magacaabay xubnihii aqalka sare iyadoo Sidoo kale lagu amaanay maamulka Hir-shabeelle sida uu u cadeeyay Qondada Habeenka ee xubnaha aqalka Sare.

“Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban waxa uu soo dhaweynayaa hambalyana u dirayaa dowlad Goboleedka Hir-shabeelle oo ku guuleystay in uu soo magacaabo xubnaha aqalka sare ee u tartamaya sideeda kursiga ee matalaada maamulkaas ee xubnaha aqalka sare, Guddiga Doorashooyinka dadban waxa uu idin ku wargalinayaan in 5-ta bisha oo shalay ku beegneed in dowlad goboleedka Puntland ay ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose Guddiga arintaan wuu bogaadinayaa, wuxuu sidoo kale maamulada kale ee dalka jira uu ka codsadanayaa in ay soo dadajiyaan doorashada xubnaha aqalka Hoose”, ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban Maxamed Kenyaan.

Afhayeenka Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban MudaneMaxamed  Kenyaan ayaa ugu digay maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay xaqiraan qoondada haweenka ay ku leeyihiin xubnaha aqalka Hoose.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Hergalinta Doorashooyinka dadban Maxamed Kenyaan ayaa sheegay in madaxda dowlad Federaalka Soomaliya iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Somali-land ay wada-hadal  u socdaan islamarkaana ay rajeynayaan In la xaliyo tabashooyinka reer Somali-land si loo soo gudbiyo xubnaha aqalka sare iyo aqalka Hoose ee dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here