Taliska Amisom ee Soomaliya ayaa sheegay in ay dhibaato weyn soo wajahayso Ciidamada Amisom kadib markii Ciidamada Ethopia ay ka baxeyn dhowr Magaalo oo ku yaala koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya.
Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Soomaliya Col Joseph Kibet oo la hadlay Wargeyska The EastAfrican ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya ayaa sheegay in walwal badan uu soo wajahay Ciidamada Amisom islamarkaana ay dib usoo laabanayso awoodii Al-shabaab madaama ay la wareegeen deegaano badan oo sanado ka hor laga saaray.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Soomaliya Col Joseph Kibet in deeganada Xarakada Al-shabaab ay dib ula wareegeen ay geeyeen dagaalyahano badan oo iyaga u dagaalama, sidoo kalana laga taagay deegaanadas Calamada Madow ay Al-shabaab caanka ku yihiin.
“ka bixitaanka Ciidamada Ethopia qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxa ay saameyn ku yeelanaysaa dagaalka Al-shabaab lagu jiro, dagaalyahanada waxa ay la wareegeen deegaano fara badan kadib markii ay ka baxeyn Ciidamada Ethopia, tani waxa ay ka dhigan tahay in ay dib usoo laabatay awoodii Al-shabaab ay ku lahaayeen Gobolada dalka Soomaliya oo sanado ka hor laga saaray”, ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Amisom ee Soomaliya Col Joseph Kibet.
Si kastaba ha ahaateen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa si fudud ula wareegay deegaano badan oo ku yaala Gobolada dalka Soomaliya kadib markii ay ka baxeyn Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah howlgalka Amisom.
Magaalooyinka iyo deegaanada ay la wareegeen Al-shabaab ayaa ku yaala Gobolada Gedo, Bakool, Bay iyo Hiraan dhamaanba waxa ay ku dhow yihiin xuduudka Soomaliya iyo Ethopia ay wadaan waxayna kala yihiin Magaalooyinka, Rabdhuure, Bur Dhuxele, GarasWeyne, Tayeeglow oo Gobolka Bakool ah ,Budbud iyo Galcad oo Galgaduud iyo deeganada Moqokori, Ceel Cali Halgan oo Gobolka Hiiran.

