Warbixin ka kooban 274 page oo ay soo saartay Kooxda monitoring group ee Qaramada Midoobay waxaa ay ku sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Kenya ay weli haystaan Al shabaab kuwaas oo lagu qabtay weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel cadde bishii Junuary.
Ciidamadaas ayaa kooxdu ay sheegtay in ay Al shabaab ku qabteen intii uu socday weerarkii Xarakada Al shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka ceel cadde bishii 15 January 2016.
Warbixinta ayaa lagu xusay in kooxda Monitoring Group ay heshay xog laxiriirta qafaalka askartaas islamarkaana ay lawadaagtay dawlada Kenya.
Mid ka mid ah askartaas ayaa cajalad muuqaal ah oo laga soo duubay waxa uu ku weydiistay dawlada Kenya in ay kala hadlaan Al shabaab siidii loosii deyn lahaa iyo ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Somalia.
Leonard Maingi oo 40 jir ah islamarkaan ah askari katirsan ciimada Kenya oo hadda ku jira gacanta Al shabaab ayaa muqaalkaan oo dhowr daqiiqo ahaa waxaa lagasoo duubay bishii September 28-keeda 2016.
Askarigaan ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa “hadii aan nahay askarta waxaan qaadanay ammarka dawlada waxan aan ka gudubnay xadka Somalia kadibna waxaa naqabsaday weerarkii ceel cadde 15 bishii January,waxa aan isku daynay in aan dagaalano balse waa nagala adkaaday waxaana sidoo kale nagala qabsaday hubkii aan ku dagaalamaynay”.
Warbixitaan ayaa lagu sheegay in weerarkii ceel cadde uu ahaa kii qasaarihii ugu badnaa uu kasoo gaaray ciidamada Kenya iyo sidoo kale weerarkii ugu dhimashada badnaa oo Kenya kasoo gaara weerarada Al shabaab kadib weerarkii Al shabaab ay ka geysteen jamaacadda Gaarisa halkaas oo ay ku dileen 140 qof.
Ugu dambayntii warbixintaan ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in 150 askari oo katirsanaa ciidamada Kenya lagu dilay iyo 12 qof oo shacab ah.

