Wararka ka imaanaya Magaalada jowhar ee caasimada Maamulka Hir-shabeelle ayaa ku waramaya in ay dib u dhacday doorashadii xubnaha aqalka sare ee ka imaanayay deeganada maamulkaas oo maanta lagu waday in ay dhacdo
Sababaha dib u dhaca doorashada xubnaha aqalka sare ee Hir-shabeelle ayaa lagu sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ay dood ka keeneen sida loo soo xulay musharixiinta Aqalka Sare.
Dhanka kale Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hir-shabeelle ayaa dhankiisa sheegay in lagu wargeliyay xalay in uu baaqday kulan maanta ay isugu iman lahaayeen xildhibaanada, Waxaa magaalada Jowhar ka socda guluf siyaasadeed oo ka dhex jira beelaha labada gobol ee Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan.
Inkabadan 150 xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa saxiixday qoraal ay ugaga soo horjeedaan qaabka loo qeybiyay Aqalka Sare. Arrintan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu soo saaray labo liis oo kala duwan kaasoo ay ku qornaayeen musharixiinta Aqalka Sare.

