Wararka haatan naga soo gaaraya Wadadda Sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya In nin watay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo u diyaarsanaa Sugida Amniga Magaalada Muqdisho Xiliyada Habeenkii.
Ciidamada qarxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay isugu jireen Boolis, Nabad Sugida iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, waxayna Ciidamo isku diyaarinayayeen sugida amniga Muqdisho, waxaana la ogeyn qasaaraha ka dhashay qaraxa.
Inta la xaqiijiyay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo ruuxii gaariga miineysan watay ayaa ku dhintay sida mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaliya ay xaqiijiyeen.
War rasmi ah oo kasoo baxay xarakada al-shabaab ayaa lagu sheegay in gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay Askari katirsan Guutada isqarxinta uu beegsaday gaadiid kolonya ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan sirdoonka dowladda Federaalka.
Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha ayaa baahisay in weerarka oo ka dhacay isgoyska Sayid uu ahaa mid naf-hurnimo “Mujaahid kaxaynayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa camaliyad istish-haadi ah ku galay goob ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan dowladda Soomaliya ee isgoyska Sayidka magaalada Muqdisho, khasaara xooggan ayaana cadawga gaaray” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Xarakada Al Shabaab.






