Dhageyso:-Sharci daro lagu bixinayo Taarikada Galmudug

0

Xilibaan ka tirsan  baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa uu ku eedeyay wasaarada Gadiidka Maamulka Galmudug in xiligaan ay si sharci daro ah ay ku bixineyso Taarikooyin aan sharci ahaantooda la soo marsiin xilibaanada  Baarlamaanka Maamulka galmudug.

Xilibaan Cabdi xaashi Jaamac oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in caqabado xaga gadiidka ay ka jiraan deeganada Galmudug islamarkaana jahwareer xaga taarikada ay sameysay wasaarada gaadiidka Maamulka Galmudug.

Xilibaanka ayaa eeda dusha kaga tuuray mas’uuliyiinta wasaarada Gaadiidka Galmudug isagoona ku macneeyay arintan mid musuqmnaasuq ah una baahan wax ka qabasho.

Xilibaan Cabdi Xaashi ayaa waxa uu dhinaca ugu digay dadka shacabka in ay ku sirmaan taariko aan sharci ahaanteeda la soo marsiin baarlamaanka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here