Wasiirka Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda ee Galmudug Xasan gurey ayaa sheegay in dagaalki shaley ka dhacay magaalada gaalkacyo uu sii hurinkaro colaada ka taagan gaalkacyo waxa uuna tilmaamay in dagaalkaasi uu ahaa mid ay soo qaadeen maamulka puntland.
Wasiirka ayaa waxa uu ku saleeyay dagaalki gaalkacyo I puntladn ay ku doooneyso in ay ku bur buriso heshiiski dhawaan madaxweynayaasha puntladn iyo galmudug ay kuwada gaareen wadanka isutaga imaaraadka carabta.
Xasan gurey ayaa waxa uu sheegay in puntladn ay ku jirto is difaac islamarkjaana aysan aheyn, waxa uuna ugu baaqay maamulka puntladn in ay dhaqan geliyaan heshiiska kuna fududaan dagaal markale ka dhaco magaalada gaalkacyo.
Dadki isaga barakacay magaalada gaalkacyo ayaa rajo badan waxa ay ka qabeen in xl waaro laga gaaro dagaalka gaalkacyo waxana dadka rajo badan geliyay heshiiski imaaraadka balse dagaalki shaley dhacay ayaa muujinayo in weli xaalada gaalkacyo aysan wanaagsaneen.
Dhageyso codka

