Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Farjano ee Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas ayaa wax ka badal ku sameeyay qaar kamid ah qodobada dastuurka maamulkaas.
Kulanka maanta waxaa shir gudoomiyay Gudoomiyaha baarlamanka Maamulka Hir-shabeelle Mudane Cismaan Barre Maxamed waxaa soo xaadiray xildhibaano gaaraya 98-xildhibaan , xildhibaanada ayaa cod u qaaday in wax ka badal lagu sameeyo qaar kamid ah qodobada dastuurka maamulkaas uu xiligaan leeyahay.
Xildhibaanada Baarlamanka Maamulkaas ayaa cod u qaaday wax ka bedelida qodobka 31aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle kaasoo diidayay in xildhibaanada baarlamaanka ay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele, hase yeeshee codkii loo qaaday in wax laga bedelo qodobkaan ayay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle cod aqlabiyad leh isugu raaceen in wax laga bedelo maadaama uu ka hor imanayo qodobka 97aad ee dastuurka Federalka ah Soomaliya.
Xildhibaanada soo xaadirey kulanka oo ahaa 98 xildhibaan ayaa waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaan uu ka aamusay, sidaa darteed ayaa qodobkaas uu ku noqday mid wax laga bedelay waxana lagu bedelay qodobkan xildhibaanada inay ka qaban karaan xil dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Sidoo kale Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa waxa ay cod u qaadeen qodobka 40aad ee dastuurka Hirshabeelle cutubkiisa 3-aad kaasoo kaasoo qoraya in marka xilliga baarlamaanka uu dhamaado uu guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka hase yeeshee Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa soo bandhign in wax ka bedel lagu sameeyay qodobkaan.

