Gudoomiyaha degmada Mgandera Fredrick Shisia ayaa ku eedeeyay dadka degan magaalada mandheera in ay soo dhaweeyeen warbixina ay u gudbiyeen shabaabkii ugu dambeeyay ee magaladaas weerarka ka geystay.
Shisia ayaa u sheegay wargeyska the Star in Sirdoonka dalka Kenya ay heleen in ragii weerarkii ugu dambeeyay ka fuliyay magaladaas ay degayeen magaalada qaarkoodna ay ka yimaadeen Somalia.
Waxa uu yiri weerarkii dhawan lagu qaaday hoteelkii ku yaalay Magaalada mandera,waxaa la ogaaday in kuwii soo maleegay ay bulshada ku dhexjireen kahor intii aysan weerarka geysan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in kuwa weerarka geystay ay ka yimaadeen Somalia qaarka mid ahna baaritaan lagu hayay.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dadka degaanku ay hayeen xog muhiim ah oo weerarkaas la xiirtay kohor intii uusan dhicin laakin ay qariyeen, arrintaas ayaanu xusay in ay cuuryaaminayso dadaalada ay wadaan Ciidamada ammanka oo ay ku doonayaa in ay ku soo xiraar islamarkaana ay dacwado kusoo oogaan dadka laga shakiyo.

