Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Dib Ula Wareegay Deegaanka Goofgaduud Gobolka Baay

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa kooonfur Galbeed Soomaliya oo iskaashanaya ay  dib ula Wareegeen deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolkaas.

Dagaalyanada Xarakada Al-shabaab oo saakay la wareegay deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolkaas  ayaa la xaqiijiyay in duhurnimadii maanta ay ka baxeen deegaankaas islamarkaana ay saacado kooban ay gacanta ku hayaan deegaanka.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay In Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa kooonfur Galbeed Soomaliya oo dib isku soo abaabulay ay deegaanka la wareegeen islamarkaana uusan jirin dagaal halkaas dib kaga qarxay.

Dagaalkii saakay ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen askar labada dhinac ah, shabaab waxa ay sheegeen in 7-askari oo ka tirsanaa Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya in lagu dilay deegaanka Goofgaduud oo ka tirsan Gobolka Baay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here