Faragalinta Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ee Doorashada Soomaliya Ka Dhacaysa

0

Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira ayaa maanta kulamo kula  qaadanaya Magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraat-ka Carabta madaxda dalkaas.

Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee kala ah Juballand Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” , Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa halkaas ku sugan, waxaana shalay gaaray  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland  oo shalay  ka ambabaxay  Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulkaas.

Kulamada maanta ka dhacaya Magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraat-ka Carabta ayaa la aaminsan yahay in Imaaraadka uu diirada ku saarayo sidii Soomaliya madaxweyne loogu dhigi lahaa hogaamiye aan ka hor imaaneenin danaha dowlada imaaraadka Carabta, xili imaaraadka uu ka cabsi qabto in Soomaaliya uu ka soo baxo Madaxweyne ka horyimaada danaha ay leedahay oo ah maamulidda ilo dhaqaale oo dalku leeyahay iyo sameysasho Saldhigyo Milatari.

Waxaa la sheegay in todobaadyadii u dambeeyay ay tageen Magaalada Abu Dhabi Imaaraat-ka Musharaxiin ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo doonaya inuu dhowaan isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha.

Dhanka kale Safiirka Turky-ga ee soomaliya Amb. Olgan Bekir ayaa sheegay in faragalin dibada ah lagu hayo doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here