Ambasador Olgan Bekir Safiirka Turky-ga u qaabilsan Soomaaliya ayaa xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Hergalinta Federaalka doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey iyagoo kawada hadlay doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.
Kulanka oo ka dhacay safaaradda Turkey-ga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray sida loogu guuleysan karo doorashada Soomaliya sanadkaan 2016-ka iyo turkey-ga kaalinta uu ka geysan karo doorashada Soomaliya.
Safiirka Turky-ga ee soomaliya Amb. Olgan Bekir ayaa sida muuqata niyad xumi ka muujiyay fara gelinta shisheeye ee howlaha geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaysa iyo qaabka ay maamulayaan sida lagu qoray barta arrimaha Facebook ee Safaaradda Turkiga ee Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Gudoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgelinta doorashooyinka dadban Avv. Cumar Dhagey ayaa sheegay in safiirka Turky-ga ee soomaliya ay isla meel dhigeen sidii dowladda turkey-ga ay ugu qeyb qaadan laheyd qaabkii loogu guuleysan lahaa doorashada iyadoo laga fogaanayo musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.


