C/wali Gaas:-Puntland Waxaa Lagu Soo Qaaday Duulaan Wajiyo Kala Duwan Leh +Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta ka  daah-furey Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulkaas kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada ayaa ka hor jeediyay qudbad muhiim ah oo ku saleysan waxqabadka Maamulkiisa.

Madaxweyne C.wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay dhinaca amniga ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday dulaan wajiyo kala duwan leh islamarkaana ay iska difaacday dhamaanba dagaalada lagu soo qaaday.

“Xaaladda nabad Galyada Puntland, mudane Gudoomiye,mudanayaal sida aan wada ogsoonahay Puntland waxaa lagu soo qaaday duulaan wajiyo kala duwan leh si loo waxyeeleeyo nabad galyada, puntland iyo shacabkeeda waxa ay ku jiraan dadaal ku aadan sidii la iskaga  difaaci lahaa kuwa puntland weerarka kusoo qaaday”, yuu yiri Madaxweyne Gaas.

Sidoo kale madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in puntland iyo shacabkeeda ay mar walba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan weerarka ay kusoo qaadaan sida uu hadal u dhigay  Shabaab, Daacish, Galmudug, dowladda Federaalka Soomaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan in ay carqaladeeyaan nabad galyada deeganada Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale qudbadiisa kalfadhiga 38-aad ee golaha Wakiilada Puntland ugu waramay arrimaha, abaaraha, Hormarka, iyo arrimo kale.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here