Guddoonka sare ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay In xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Maamulkaas ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiye Cali Gacal Casir.
Guddoomiye ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mamulka Galmudug Maxamed Axmed Maalin ayaa sheegay in uusan jirin mooshin laga soo gudbiyay Gudoomiye Cali Gacal Casir islamarkaana kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka maamulkaas uu kusoo xirmay si nabad galyo ah xildhibaanada ay galeen fasaxooda caadiga ahaa.
“Waxaan rabaa inagoo ah Gudoomiye Xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Mamulka Galmudug in aan cadeeyo in uusan jirin mooshin laga soo gudbiyay Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir, gudoomiyaha waxa uu xiray 24-kii bishaan kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka galmudug sababta uu u xirey ayaa aheyd doorashada Soomaliya sanadkaan ka dhacaysa, baarlamaanka Galmudug haatan waxa uu ku jiraa fasaxiisa caadiga ahaa”, ayuu yiri Mudane Maxamed Axmed Maalin.
Xildhibaano gaaraya 34-mudane ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay shaaciyay In ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha baarlamanka maamulkaas Cali Gacal Casir oo ay ku eedeeyay in uusan shaqadiisa u gudanin sidoo loogu baahan, islamrkaana uu si awoodiisa ah kusoo xirey kalfadhiga 2-aad ee baarlamanka Maamulkaas.

