Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sh.Aadan ayaa lagusoo Waramayaa inuu Ka Badbaaday Qaraxyo Ismiidaamina oo Kolonyo Gaadiida oo uu la socday Lagula Eegtay Duleedka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan deegaanka Calamada.
Gaadiidka qaar ayaa la sheegay in waxyeello ay kasoo gaartay qaraxyada Waloow aan si dhab ah loo hubin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi.
Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gaari nuuca raaxada ah oo uu waday ruux naftii halige ah laguna xiray walxaha qarxa,gaariga qarxay oo si xawli ah ku socday ayaa kala dhaxgalay gaadiidka wafdiga Madaxweyne shariif kaasi oo la doonayey in lagu dhufto gaariga uu Saarnaa Hogaamiyaha Koonfurgalbeed.
Ciidamada la Socday Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay in ay toogteen wadihii gaariga miineysnaa inta uusan soo gaarin gaariga shariif xasan uu la socday.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Shiine oo la hadlay Radio Simba ayaa Faahfaahin ka bixiyey qaabka uu weerarku u dhacay waxaana uu sheegay in ay fashiliyeen Qaraxaasi isagoona dafiray in wax qasaara ah uu ka dhashay weerarkaasi.
Dhinaca Kale Warar lagu daabacay Baraha internate-ka ee Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weeraradaasi qasaare buu kasoo gaaray wafdiga Madaxweyne Shariif Xasan in kastoo aysan sheegin inta uu gaarsiisanyahay.
Balse ilo Xog ogaal ah oo ka madaxbanaan labada dhinac ayaa xaqiijiyey inuu jiro qasaaro kala duwan waloow aan la xaqiijin inta uu le’egyahay.
Halkaan ka dhageyso Codka Afhayeenka Shabeelaha Hoose.

