Dowladda Soomaliya oo Cambaareysay Gantaalkii Xuutiyiinta ay ku Tuureen Magaalada Maka Al-Mukarama

0

Dowladda Federeaalka Soomaliya ayaa si kulul u cambaareysay Gantaalkii  Kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay ku tuureen dhawaan Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarama.

Qoraal laga soo saaray Wasaarada Arimaha Dibada Xukuumadda Somaaliya ayaa lagu sheegay Dowladda soomaliya  inay aad uga xun tahay waxa ka socda dalka Yemen, iyadoo sidoo kale si kulul u cambaareysay gantaalkii kooxaha Xuutiyiinta ee dalka Yemen ay ku tuureen Magaalada Barakeysan ee Maka Al-Mukarama.

“Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka.” Ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Arimaha Dibada

Xukuumadda Federaalka Somaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here