Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo Sheegay in ay Soo Gaarayaan Dacwado La Xiriira Doorashada

0

Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa sheegay in ay xiligaan soo gaarayaan Dacwado la xiriira arimaha Doorashooyinka dalka sanadkaan ka dhacaya.

Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dr. Cabdi Risaaq Barre, ayaa sheegay Dacwado gaaraya 1,219 kiisas inay soo gaareen.

“Illaa iyo hadda waxaa nasoo gaaray 1,219 (Kun labo boqol iyo Sagaal iyo Tobon) cabasho, 10 bishaan illaa iyo 26 bishaan, sida muuqata aad ayay u farabadan yihiin, dhamaantoodna maaha wax aan annagu xalilin karno ama go’aan ka gaari karno, sidaas darteed howshayadu waxay ku eegtahay cabashooyinka la xiriira doorashooyinka dabdan, howshayadu maaha inaanu u garqaadno is haysadka qabaa’ilaadka oo laga yaabo inuu salkiisu yahay oo dabeecad kale uu leeyahay is haysad koodu,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka  dadban Dr. Cabdi Risaaq Barre.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dr. Cabdi Risaaq Barre ayaa sheegay in guddiga uu haatan gacanta ku hayo kiisas la xiriira xubno musharixiin ah oo rag iyo dumarba leh oo sheegay iney soo gaareen cabashooyin caga- jugleyn ah lagula kacay, wuxuuna tilmaamay in la baalmaray qoondadii loogu talogalay arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here