Madaxweynaha Puntland oo Daahfurey Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaas

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ka daahfurey Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaas.

Inta badan Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka puntland ayaa ka qeyb galaya furitaanka Kalfadhiga 38-aad waxaa jiro xildhibaano su’aalo dhowr ah weydiinaya Madaxweyne Gaas.

Su’aalaha lagu wado in la weydiiyo  Madaxweyne C/wali maxamed Cali Gaas waxaa ka mid ah dagaalada magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, doorashooyinka labada aqal ee dalka , xaalada  degmada Qandala iyo qabsashadii Daacish-ta Soomaliya.

Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Puntland ayaa amar Culus ku Bixiyey dhawaan  in aan la Daah Furi Karin Kalfadhiga 38-aad ee Golaha Wakiilada Maamulkaas oo todobaadkii aynu soo dhaafnay  Xildhibaanada Baraalamanka maamulkaas ay u Madalnaayeen in uu ka Furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobalka Nugaal.

Madaxweyne Gaas ayaa ku amray Gudoomiyaha Baarlaamanka Puntland iyo Madaxweyne ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Eng C/xakiim Cabulaahi Xaaji Cumar Camey inaysan Furi Karin Kalfadhigaa Baarlaamanka ilaa uu ka soo Afjarayo Socdaal Shaqo oo uu ku joogay deegaanada Maamulkaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here