Daacishtii La Wareegtay Degmada Qandala oo La Sheegay in uu Usoo Degay Hub Yemen Ka Yimid

0

Wargeyska lagu magacaabo al-Abna press oo kasoo baxo wadanka Yemen ayaa sheegay in kooxo katirsan daacishta soomaaliya ay hub ka heleen xoogagga ka dagaalama wadanka Yemen.

Wargeyska ayaa sheegay in kooxdii la wareegtay Qandala ay ka koobnaayeen 50-ruux oo katirsan kooxda daacish qeybtooda ka dagaalanka puntland.

Waxa ay doonayaan in ay sara isugu qaadaan dagaalada ay ka wadaan gobolada dhaca waqooyi bari ee Soomaaliya ee puntland la yiraahdo si ay u gaaraan hadafkooda oo ah in ay helaan 20-kun oo dagaal yahan in kabadan.

Wargeyska ayaa xusay in magaalada Qandala ay muhiim u tahay in si fudud ay isaga kala gooshaan hubka kooxaha ka dagaalamaya Yemen ay usoo diri karaan iyo waliba in ay dagaal yahano is dhaafsadaan iyagoo adeegsanaya Gacank Cadmeed sida wargeysku uu sheegay.

Wararka Warbaahinta ay sheegeyso ayaa ah in kooxda daacish ka dagaalanta buuraha Gal-gala isla markaana uu hogaamiyaha u yahay Sh.C/qaadir Muumin in la wareegitaankooda Qandala ay u fududaatay kadib markii ciidamadii Puntland laga saaray halkaasi sababo dagaalka Gaalkacyo lagu biiriyey.

Puntland ayaa ciidamadeeda gaarka ah iyo waliba kuwii horay ugu sugnaa magaalo xeebeedka Qandala geysay si ay dib ula wareegaan magaaladaasi kagana saaraan Dagaal yahanada Daacish ee ku dhuumaaleysta buuraleyda Sil-siladaha Goolis ee G/Bari.

Dadkii ku sugnaa Degmada Qandala oo ka barakacay degmadaasi waxaa soo wajahday cabsi ku aadan in ay ku dul dagaalamaan ciidamada gaarka ah ee puntland iyo xubnahaani taabacsan Kooxda Daacish oo isku hor fadhiya Qandala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here