Waziirka wazaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda ee puntland C/laahi Jaamac Salaax ayaa xaqiijiyey in dooni u rarneed Ganacsato reer Puntland ah ay ku quustay biyaha u dhaxeeya Cuman iyo Yemen.
Waziirka ayaa sheegay in doonidaasi ay Saarnaayeen ku dhawaad 16-ruux oo ahaa Shaqaalaha doonidaasi balse lagu guuleystay in la bad-baadiyo 15-ruux halka mid kamid ahne la la’ yahay.
“Puntland waxaa soo gaaray Warar sheegaya in ay quustay dooni ay leeyihiin Ganacsato ku sugan magaalada boosaaso ee Xarunta G/Bari, waxaana arintaasi aan ku sameynay baaritaano dheeraad ah arinaasine waxa ay noqotay mid xaqiiqo ah” ayuu yiri C/laahi Jaamac Saalax waziirka wazaaradda dekedaha, gaadiidka badda iyo la dagaalanka burcad badeeda Puntland.
Wararka aynu ka heleyno magaalada boosaaso ee Xarunta G/Bari ayaa sheegaya in doonidaani ay kasoo shareecatay deked ku taala isugu tagga imaaraatka carabta iyadoona kusoo jeeday magaalo xeebeedka Boosaaso.
Doonidaani ayaanan ilaa iyo iminka la shaacin waxa ay waday balse waxaa la tilmaamay in ay u rarneed ganacsatada boosaaso ayna kasoo shareecatay imaaraatka carabta.

