
Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa haatan wada Howlgalo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dhacii xalay loo geystay shirkada isgaarsiinta Golis xarunta deeganada Maamulka Puntland
Saraakiil ka Tirsan ciidamada amaanka Maamulka Puntland oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in uu haatan socdo Howlgalo lagu baadi goobayo Ragii ka dambeeyay dhacii xalay loo geystay shirkadii isgaarsiinta Golis Xarunteeda deeganada Maamulka Puntland.
Xalay ayay aheyd Markii koox aan la Garanaynin ay dhac u geysatay Xaruntii shirkadii Golis ee Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.
